Welcome to briefintech – get the latest brief in technology.

Pegasus spyware | isreal ma waxay u horumarisay si ay isugu jaajuusaan dowladuhu?

Iyada oo kaliya laguu dirayo hal fariin,

Waxay ka gudbi kartaa dhamaan  amniga taleefankaaga oo rakibi kartaa 

Software-kaan oo si buuxda ula socon kara dhaqdhaqaaqyada telophonkaaga.

Waxay heli kartaa fariin kasta oo aad waligaa dirtay, sidoo kale waxay

heli kartaa fariin kasta oo aad heshay inta aad isticmaalaysay telophonkaa.

waxay heli kartaa sawir kasta, fiidiyow kasta, emayl kasta, wuxuu shidi karaa makarafoonkaaga, wuu shidi karaa  makarafoonka xitaa marka aadan isticmaalayn taleefankaga.

iyadoo duubaysa waxa aad ku hadlyaso.  Waxay shidi kartaa kamaradaada,

Waxayna duubi kartaa waxaa samaynaysid marka qolkaga ku jirtid.

waxay heli kartaa GPS -kaaga, waxayna ogaan kartaa kormeeri kartaana  hadba halka aad joogto.

Waxayna samayn kartaa waxaas oo dhan adigoon ogaaninba waxba.

System-ka fududaynaya basaasnimadaan iyo  tan suurtogal ka dhigaysa waa program 

waxaa lagu magacaabaa Pegasus(bigasus). 

Pegasus malaha waa kan ugu horumarsan programmada wax lagu basaaso ee abid laga hirgaliyay caalamka.

Ma jirto qaab la isaga ilaalin karo hadii ay damcaan xogtaada, firkad kasto aad lahayd iyo hawl walba muhiim ah waxaa ku khasbanaanaysa inaad buug iyo qalin ku qoratid. 

telefoonku waa khalad, Pegasus waxay u aragtaa aalad ay say doonto ka yeeli karto

Markaa haddii aad tahay qof u malaynaya in aad nabad qabtid,

sababtoo ah waxaad isticmaashaa WhatsApp oo ah end to end Encrypted call ama waxaad isticmaashaa Signal, facebook,twitter, runtii  micno ma laha application-nadaan mar haddii Pegasus uu ku jiro taleefankaagu.

Pegasus wuxuu u dhici karaa labada  operating system ee kala ah “IOS iyo Android”

halka ay ku harsan tahay waxyaabo  kale oo  aan la ogaan karin.

Marka mid ka mid ah siyaabaha Pegasus u weerari doonto telophonkaaga

Waxaa loo yaqaana  u nuglaanta ‘zero-click’ waxay ka macno tahay adigoon link iyo waxba ku dhufan in la helaya xogtaada si kooban zero-click.

U nuglaashaha noocaan ah wali ma aha mid ay ogaatay shirkadaha soo  saara telophonada, mana garanayaan Meesha laga soo weeraray.

Pegasus waa wax soo saarka ugu weyn ee  ay horumarisay shirkad la yiraahdo 

NSO Group, oo ah mid ka mid ah shirkadaha dabagalka iyo indho indhaynta Israel.

Haddaba dadka isticmaalaya  program-kaan wax basaasa 

waa macmiil dawladeed, kuwani waa qaar ka mid dowladaha aduunka 

kuwaas oo xirmooyin qaaliya ka iibsada shirkada NSO GROUP   program-keeda Pegasus.

Sida aan ka soo xiganay Citizen Lab baaritan ay samaysay waxay ku ogaatay in ka badan 45 wadan laga fuliyay loona 

Isticmaalay barnaamijkaan waxaa ka mid ah sacuudiga, imaaraadka, Baxrayn turkiga, USA, brazil iyo kuwo la mid ah.

Baaritaanka ay samaysay citizen lab ayaa u isticmaashay heerka wadanka ee geolocation-ka, domain name system-ka, virtual private network-ga iyo internet teleport locations-ka.

Sidoo kale sida ay baartaan ku ogaatay citizen lab waxaa loo dhacay telophonada qeybo ka mid ah weriyeyaasha aljazera iyo qeyb ka mid shaqaalaha amnesty international.

Laga soo bilaabo 2016-kii in ka badan 50 kun oo qof ayaa la beegsaday kuwaas oo macaamiisha NSO ay dano ka  lahaayeen. Iyadoo ay ka mid yihiin dad u dhaqdhaqaada xaquuqaha aadanaha, garsoorayaash, iyo macuuradka dowladaha qaar.

NSO Group, ahna shirkada iska leh software-kaan ayaa beenisay dhamaan eedaymaha loo soo jeediyay waxayna ku andacootay in ay u isticmaalaan kali ah in ay ku xoojiyaan sharciga, uga hortagaan danbiilayaasha iyo argigixisada, kuna caawiyaan ciidamada milateriga iyo hay’adaha sirdoonka, taas oo ah mid ka fog xaqiiqada.

Dadka la beegsaday waxaa ka mid ah weriyihii sacuudiga aha ee Jamal khashoqi, kaas oo la dilay lana jarjaray October 2018 xili uu booqanayay qunsulka sacuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka turkiga.

Baaritaanada ayaa tibaaxay in la helay program wax basaaseed kaas oo lagu install-gareeyey telophonka gabdadhii u doonanayd maalmo ka hor dilkiisii, sidoo kale telophonka marwadiiisa  ayaa ayaa la beegsaday intii u dhaxaysay semtember 2017-kii ilaa April 2018-kii. NSO ayaa ku jawaabtay in “technology-geedu uusan lug ku lahayn dilkaas bahalnimada ah”.

Xogaha qaar ayaa sheegaya in cidda ugu badan ee loo  isticmaalay ay tahay 1. Qoysaska boqortooyoyinka

2. 64 madaxda ganacsiyada ah . 3. 84 ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha.

4. 600 oo siyaasi ama madax dawladeed 5. 189 weriyeyaal

Pegasus ayaa u muuqata in ay tahay mid khatarteedu aad u sareyso gacantay ku jirtana ay tahay mid aan nixin, oo faa’ido eeganaysa Kaliyah. Dowlada ay hoos tagto oo ah isreal waa ay ka amaanan tahay shaqada ay hayso waana midaan maxkamad waxba looga qaban Karin.

Pegasus madaxda ay beegsatay waxaa ka mid madaxweynaha faransiiska Emanuel macron iyo qeyb ka mid wasiiradiisa iyadoo laga beegsatay wadanka morocco.

Madaxweynaha ciraaq ayaa ah mid ka mid kuwa shabaagta ku ridatay Pegasus, iyadoo la rumeysanyahay in telophonkiisa gacanta loo adeegsaday barnaamijkaan.

Sidoo kale wadamada carbeed ayaa ah kuwa isku adeegsanaya programkaan basaasnimo, madaxweynah lubnaan iyo raysulwasaarihiisa iyo qeyb ka mid ah wasiiradiisa, sidoo kale xubna ka mid ah ururka xisubullah ayaa waxaa beegsaday dawladaha sacuudiga  iyo imaaraadka.

Maxay isreal isugu jaajuujaysaa wadama midba kan kale ? maxayse damacsantahay ? fikirkaaga lana wadaag.

Share this article:

Leave a Reply

Your email address will not be published.

you may also like