Welcome to briefintech – get the latest brief in technology.

MOSSAD | HAY’ADA SIRDOONKA EE YAHUUDA

waxaad malaysaa ama qiyaastaa dawlad yar oo markaas aasaasantay oo dhamaan cidda ku

hareeraysan ay tahay dowlado  cadow ku ah, ma is dhihi kartaa way sii jiri kartaa dowladaasi

amase dhulkaas ayay ka sii talin kartaa?

Haa dabcan hal fursad baa jirta ay ku sii jiri karto taas oo ah in aysan galin wax khalad ah, inaysan

muujin wax naxariis ah dhan walba, taas waa sababta keentay aasaasitaanki MOSSAD

hay’adda sirdoonka iyo dabagalka khaaska ah ee israa’iil si ay u ilaaliso yahuuda caalamka, waana mid ka mid ah kuwa uga horeeya hay’adaha sirdoonka ee caalamka loogana cabsida badanyahay.

waana urur aan la qeexi karin ujeedadiisa sharciyadeed, doorkiisa dowladeed, waajibaadkiisa,

hab maamulkiisa iyo miisaaniyada ku baxda intaba, waxayna  banaanka ka tahay qaanuunkooda,

 cidda kaliyaata ee uu hoostago waa raysul wasaaraha israa’iil. 

si dhaba looma ogaan karo cadadka ka  shaqeysa mossad, 1951-dii cadadkooda waxaa lagu qiyaasayay inay gaarayaan kumanaan, laakiin tababarka ay marayaan ciidamadaasi ayaa ah mid aad

u adag marka laga soo tago dhisidooda waxa lagama maarmaan ah inay ku hadlaan karaan 

luqado kala duwan, sidoo kale waxaa lagu imtixaana habab kala duwan sida wax dilka

, wax xadista, u adkaysiga gaajada , dhibka iyo ciqaabkaba , sidoo kale isticmaalka hubka 

kala duwan, beenta oo caadi u noqota, dhamaan shabakadahaas waxaa isku xira qalab 

sirdoon oo u gaar ah ururkaas.

Tusaale sida dhacday 1972 ciyaarihii olompics-ka ka dhacay magaalada munich(munikh) ee dalka jarmalka,  koox falastiiniyiin ah oo la magac baxday black september amase september-tii modoobeyd.              ayaa ka fuliyay hawlgal gudaha goraanka ay ka socdeen ciyaaraha olompikada, taas oo ay ku  guulaysteen in a afduubtaan ka dibna dilaan 11 ciyaartoy oo yahuud ah, mossad ayaa faraha la soo gashay gadib hawsha marka ciidamada amaanka germany ay ku fashimeen, mossad ayaa bilowday hawlgalo ay ugu magacdartay  “carada rabi” taas oo bar tilmaameedku ahaa inay ka aargoosato cid walba oo ka qeyb ahayd mid mid, hawlgalkaas ay  samaysay waxa uu noqday mid ay la yaabaan caalamka oo dhan, waxay ahayd hay’ad ay leedahay dowlad jirta wax yar hadana fulanaysa hawlgalo culus.

laakiin tani ma  aheyn hawlgalkoodii ugu horeeyey mana ahayn tani hawlgalkii ugu danbeeyey ee mossad.

HAWLGALADII IIRAAN

bilowgii 2011-ka waxaa bilowday dilal aan xisaab lahayn magaalooyinka kala duwan ee iiraan, mana jirin

sabab loo aaneyey dilalkooda, qaarkooda ay guryahooda ku dhinteen. qaarkoodna waxaa lagu dilay shilal.dadka la beegsaday ayaa ahaa ku miisan ka leh iiran, iiraan ayaa ku eedaysay dhacdooyinka israa’iil, laakiin ma ayson soo bandhigan wax cadeymo ah.

QASIM SULEYMANI

2020-kii ayay ahayd markii la dilay general-kii iiraan ee qasim suleymani ee uu dilay maraykanku, xogaha qaar ayaa sheegaya in nin ka mid ah dadkii ka agdhawaa uu ahaa jaajuus u shaqeeua ciidamadamossaad oo uu gudbiyay bartilmaameedkiisa.

waxaa la qiyaasa in qeybteeda qaabilsan dilalka ay fulisay hawlgalo ka badan kuwo reer galbeedka,in ka badan 2700 dilal qorshaysan ayay fulisay intay aasaasnayd.

DILKA AQOONYAHANADA IYO QOROYAASHA

Dilalka ayaa fulinayeen kuma  koobnayn kaliya hogaamiyayaal ciidan iyo hawl -wadeeno, maadaama ay saamayn ku yeesheen  hogaamiyayaasha siyaasadda:-  aqoonyahannada iyo qorayaasha waxa ay noqdeen target(kuwa la beegsanayo).

Israa’iilna kuma kala saarin goobihii ay dilalka ka fulinaysay ma Carab baa mise dal shisheeye, ma  saaxiib baa ama mise cadow.

Inta badan, Israa’iil si rasmi ah uma qirayso mas’uuliyadda dilalka ka baxsan xudduudaha,  aqoonsiguna dilankaan wuxuu inta badan ku yimaadaa saxafiyiinta, qorayaasha iyo warbaahinta Israa’iil, sannado badan ka dib.

Bishii Luulyo 1972, Israel waxay dishay qoraa iyo saxafi  reer Falastiin ah  Ghassan Kanafani(qassan kanqani), iyadoo ku qarxisay gaarigiisa  walxaha qarxa gudaha magalada Beirut.

Bishii Marso 1979, ciidanka sirdoonka Israa’iil (Mossad) ayaa ku dilay hoteel Jarmal Bari Wadih 

 hoggaamiyihii Jabhadda shacabka ee Caanka ah, isagoo ku sugan mid ka mid ah huteelada jarmalka,

waxayna sun ugu dareen shukulaatada oo uu cunisteeda jeclaa.

NUKLIYEERKA SUURIYA

Badhtamihii bishii May 2007, Aqalka Cad ayaa ka helay codsi degdeg ah oo uga timid agaasimaha Mossad ee Israa’iil si uu u qabto kulan lagu soo bandhigayo macluumaadka la xiriira dhismaha Suuriya ee nukliyeerka oo ay naqshadeysay Kuuriyada Waqooyi, si ay go’aan u gaaraan, waxaa si wada jir ah loogu baahan yahay in lakeeno cadeymo si looga  takhaluso tuhunka ayay isku afgarteen .

Hay’adda Mossad ee Israa’iil waxay  awooday inuu hesho macluumaad ku saabsan mashruuca nukliyeerka Suuriya ee gobolka Deir ez-Zor (Deyra zoor)  iyada oo loo marayo hawlgal basaasnimo oo lagu fuliyay kombiyuutar uu leeyahay  shaqaale sare oo reer Suuriya ah uu ka sugnaa caasimadda Ingiriiska ee London. Intaa ka dib, Mossad waxay bilowday baaritaanno ballaaran si ay u ogaato dhammaan faahfaahinta suurtagalka ah ee ku saabsan mashruuca iyada oo loo marayo kormeerka dayax-gacmeedka iyo dabagalka goobtaha lagu samaynayo.

Dabcan, sameynta nuclear reactor-ka ama atomikada Siiriya wuxuu ka dhigan yahay halista ugu weyn ee la malayn karo ee ku wajahan Dawladda Israa’iil iyo amnigeeda qaranka, Mareykankana waa lagu wargeliyay arrinta, laakiin tan dambe waxay u baahnayd caddeyn dhammaystiran. Caddaynta gunaanadka ah waxaa keenay xubnaha “Sirt Matkal elite unit” iyaga oo ku duulay xadka Suuriya laba diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah, kuwaas oo furmay inta lagu jiray mugdiga habeenka, si ay u helaan muunado ka mid ah ciidda goobtaas, taas oo falanqayntu muujisay jiritaanka shucaaca walxaha(radio activity).

Maraykanku wuxuu siiyey iftiinka cagaaran Israa’iil si ay u burburiso goobta, sidaas darteed 10 diyaaradood oo dagaal ayaa ka baxay, ka dibna 3 ka mid ah ayaa ku soo noqday saldhigga, si toddobada diyaaradood ee soo hadhay ay u wajahaan waddada xaruntii nuclear reactorka ee Deir ez-Zor(deyra zoor), halkaas oo ay diyaaraduhu ku garaaceen gantaalo iyo bombooyin si ay dhulka ula simaan dhammaan aagga hawsha nuclearka ka socoto.

KA AARGOOSIGII NAAZIYIINTA

Ka dib aasaasitaanii Dawladda Israa’iil 1948-dii, israa’iil ma illaawin wixii Naasiyiintu ku sameeyeen Yuhuudda Jarmalka ka hor iyo intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka, sidaa darteed guddi ayaa laga dhex abuuray adeegga sirdoonka Israa’iil oo ujeeddadiisu ahayd in la baadho Naasiyiinta. , gaar ahaan kuwa ka shaqeynayay xeryihii milateriga ee lagu ciqaabi jiray yahuuda.

Waxaa ka mid ahaa Nasiyiintii  ugu caansanaa ee ay gaareen Mossad -ka Israa’iil, Adolf Eichmann, ka dib in ka badan 12 sano oo baaritaan ah. Ujeeddadiisu waxay ahayd inuu masaafuriyo oo nadiifiyo Jarmalka Yuhuudda. in Yuhuudda loo masaafuriyo Falastiin; Sababo dhaqaale awgood, iyo in uu muujiyo khilaafitaankiisa fikirkii Naasiyiinta.

Kadib dhicitaankii Nazigii Jarmalka 1945-tii, Eichmann wuxuu ka baxsaday tijaabooyinkii maxkakamidii Nuremberg ee loogu talagalay in la mariyo Naziga ka dib markii dacwado lagu oogey; ka dib markii uu ogaaday in garsooruhu la socdo yahuuda waxuu ka baxsaday xabsigii, sidoo kale waxa uu ka baxay dhulkii jarmalka asagoo qabtay dowlada argentina, Yuhuuddu waxay ku tilmaamaan Eichmann inuu yahay bahalkii dusha kala socday foornooyinka gaaska ee yahuuda.

Sannadkii 1957, Mossad waxay heshay xog ah in Eichmann uu ku sugan yahay Argentina, isla markiiba hawlgalkii afduubka Eichmann ayaa la qorsheeyey, oo uu hoggaaminayey Raphael Eitan, hawshana runtii aad bay u adkayd; Sababtoo ah waxa ay ahayd  afduubka qof leh  aqoonsi wadan kale iyagoo ka imaanaaya kumanaan kiilomitir, oo aan wax caymis ah lala gelin dowlada magangalisay  laakiin iyadoo markaas lagu xisaabtameyn hawlgalka noocan ah ee sirdoon, hadana waxaa la ogaa falcelinta ka imaanaysa xasuuqii yahuuda ee naziyiinta.

Israa’iil ayaa muujisay dabbaaldeg weyn oo muuqda  ka dib afduubkii Eichmann iyo ku soo laabashadooda  Israa’iil, illaa heer uu Ra’isulwasaarahii Israa’iil Ben-Gurion uu khudbad u  horjeediyay Knesset taas oo uu ku muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in laamaha sirdoonka ay awood u yeesheen in ay xiraan Eichmann.

Hawlgalkani wuxuu runtii kor u qaaday awoodii mossad, Eichmann waxaa ku soo gababoobay in la dilo, ka dibna la deldelo, lana gubo, dambaskiisana lagu tuuro badda. Waxaa la soo weriyay in Eichmann uu ku adkeystay dacwaddiisa inuu Yuhuudda ka caawiyay inay ka baxsadaan Xasuuqii Holocaust-ga, iyo inuu ka soo horjeeday siyaasadda Naasiyiinta ee ku wajahan Yuhuudda, wuxuuna ka dalbaday inuu markhaatiyaal u keeno Yuhuudda inay arrintaas caddeeyaan, laakiin garsoorayaashu way diideen inay sidaas sameeyaan.

HAWGALADOODII FASHILMAY 

In kasta oo guul weyn ka gaaray dilalkii badnaa intooda badan, haddana qaar baa fashilmay; Bishii Sebtember 1997,  Mossad waxay isku dayday inay disho madaxii xafiiska siyaasadda ee Xamaas, Khaled Meshaal.

Unugga “Kidon” ayaa Meshaal ku duray walxo sun ah, ka dib waxaa la geeyey  qaybta daryeelka degdegga ah,  arrintii isku daygii dilkana  waa la kashifay, waxaana la xiray laba xubnood oo ka mid kuwii fulinayay.  Tani waxay ka cadhaysiisay boqorkii Urdun ee wakhtigaas, Xuseen bin Talaal, oo ku adkaystay inuu Israa’iil soo gaadhsiiso “serum antitoxin” daawadii sunta si loo badbaadiyo nolosha Mashaal,  wuuna uu  ku badbaaday.

Muddo soddon sano ah, Israa’iil waxay ku guuldarraysatay inay disho abaanduulihii guud ee KATAA’IBU QASSAAM, Muhammad Al-Deif ee Gaza, maadaama ay isku dayday saddex jeer inay kaga takhalusto duqaymaha cirka,   isku daygii ugu dambeeyay wuxuu ahaa dagaalkii 2014, kaas oo lagu dilay ilmihiisii ​​iyo xaaskiisii, Deifna weli wuu nool yahay.

laga soo bilaabo 1948-dii, dhulka walaalaheen la haysto ee falastiin ayaa isreal ka fulinay hawlgali 

lagu gumaadayo shacabka falastiin laguna boobayo dhulka reer falstiin, sidoo kale waxaa 

ka dhinac socday dilka hogaamiyayaasha, aqoonyanka , hawladeena, iyadoo ay hay’adda mossad ihi qeyb weyn ka qaadatay hirgalinta qorshihii sahnooniyiinta ee qabsashad falastiin iyo yagleelida maamulka israa’iil. 

Share this article:

Leave a Reply

Your email address will not be published.

you may also like